Michael Carrick oo ka warbixiyay niyad jabkii uu kala kulmay guul darrada finalkii Champions League ee 2009-kii

(Manchester ) 09 Okt 2018. Halyayga kooxda Manchester United ee Michael Carrick ayaa sheegay inuu ku dhibtoonayay waqti dheer sababa la xiriira guul darradii kooxdiisa ka soo gaartay finalkii Champions League ee 2009-kii.

Michael Carrick ayaa dareensan inuu yahay dambiile isla markaana uu mas’uul ka yahay guul darradii finalkii Champions League ee 2009-kii, kasoo gaartay kooxda Barcelona.

37 jirkan ayaa ku tilmaamay guuldaradan inay ahayd tii ugu xumeyd xirfadiisa kubada cagta, isagoo dhinaca kale sheegay inuusan dhibaatadiisa u muujin saaxiibadiisa.

“Waxay ahayd shaki la’aan xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee xirfadeyda ciyaareed kubada cagta, mana garanayo sababta”.

“Waxaan u maleynayaa in aan iska qasaariyay kulankii ugu muhimsan ee xirfadeyda kubada cagta, waxaan ku guuleestay Champions League xilli ciyaareed ka hor, laakiin marnaba muhim ma aheyn”.

“Waxaan dareemay niyadjab, waxaan dareemay wax xun ka dib ciyaaraha yar yar, laakiin maalmo yar kadib waan ka gudbay”.

“Wuxuu ahaa sanad aad u adag waxayna ahayd waqti dheer, mana aanan ka hadlin arrintan hada ka hor, xitaa ciyaartoyda saaxiibada ah, waxaan u sheegay xaaskeyga oo kaliya oo aan ku sir qarsaday”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close