Liverpool oo Akhbaar xun ka helaysa Dhaawaca James Milner

(England) 09 Okt 2018. Liverpool ayaa akhbaar xun  ka helaysa dhaawaca Muruqa ka gaaray James Milner kulankii Manchester City.

Madaalaha reer England ee ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsan shaxda Klopp labadii sano ee la soo dhaafay ayaa dhaawac muruq ah looga saaray kulankii ay dhawaan reds 0-0 garoonkeeda kula gashay Man City.

Milner ayaa haddaba garoomada ka maqnaan kara muddo bil ah.

Dilaac badan muruqa kama gaarin Milner balse wuxuu seegi karaa dhammaan kulamada ay Liverpool ciyaareyso bishan Oktoobar.

Wuxuu  seegayaa kulamada Premier League ay la ciyaarayaan Huddersfield iyo Cardiff City iyo sidoo kale kulanka Champions League ay ku wajahayaan  Red Star Belgrade.

Tababare Jurgen Klopp ayaase rajeenaya inuu helo adeega xiddigiisa marka ay wajahayaan Arsenal Saddexda bisha Noverber.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close