Liiska Xiddigaha ugu heysta tuurista FREE KICK yada Premier League waqti xaadirkan iyo kuwii hore oo la soo saaray….(Ronaldo kaalintuu ku jiraa, Yaase Waqtigan ugu heysta?)

(England) 09 Okt 2018. Waxaa la soo saaray xiddigaha ugu heysta Tuurista Free Kics (Laadadka Xorta ah) ee Premier League kuwii hore iyo kuwa dambe.

Juan Mata oo Laadka xorta ah dhaliyay kulankii ay Manchester United guusha soo laabashada leh dhawaan ka gaartay Newcastle United ayaa ah xiddiga ugu heysta tuurista Free Kick yada horyaalka Ingiiriiska waqti xaadirkan.

Laacibka reer Spain ayaa Premier League ku soo biiray 2011-dii isagoo ka soo tagay Valencia kuna soo biiray Chelsea.

Tan iyo imaanshihiisa Ingiriiska waa laacibka ugu heysta tuurista Laadadka xorta ah oo wuxuu dhaliyay 8-free kick, waxaa ku soo xiga oo 7-dhaliyay Gylfi Sigurdsson, Wayne Rooney, Robert Snodgrass iyo Christian Eriksen ayaa iyana min Lix dhaliyay.

Laakiin Mata ayaa galaya kaalimaha Dambe marka la fiiriyo Liiska xiddigaha dhaliyay Free kick yada ugu badan Premier League guud ahaan oo waxaa hogaanka heysta oo loo dhawaan waayay David Beckham 18.

Thierry Henry iyo halyeygii hore ee Chelsea Zola ayaa ku soo xiga oo dhaliyay min 12, Cristiano Ronaldo oo goor hore ka soo tagay Premier League ayaa leh 11-free kick.

EEG Liiska:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close