Neymar oo si weyn ugu amaanay saaxiibkiis Mbappé bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay kulankii Lyon

(PSG) 08 Okt 2018. Laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa wuxuu si weyn u amaanay saaxiibkiis kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé, kadib markii uu dhaliyay 4 gool kulankii Lyon ee horyaalka France – Ligue 1.

Neymar Jr ayaa kulanka kadib kala hadlay wargeyska caanka ah ee dalka France L’Equipe guusha weyn ay kaga gaareen horyaalka France – Ligue 1 kooxda Lyon.

“Waan ogeyn kahor kulankan inaanahay koox weyn, sababtoo ah waxaan hormar ka sameynaa kulamo kale”.

“Waan ku faraxsanahay Kylian Mbappé, waxaan soo dhibtoonay qeybta hore ee ciyaarta, laakiin mar qura ayaan qabsanay ciyaarta qeybta labaad, si fiican ayaana u ciyaarnay”.

“Saaxiibkey Mbappé waa ciyaaryahan awood weyn leh, wuxuu fahamsan yahay mas’uuliyada saaran, waxaana rajeenayaa inuu sii wadi doono caawintiisa, si uu markale u soo celiyo wax qabadkiisa kulanka Lyon oo kale, waa ciyaaryahan cajiib ah”.

Si kastaba laacibka reer France ee Kylian Mbappé ayaa ku hogaaminaya liiska dhanka kala sareynta horyaalka France – Ligue 1, 8 gool waxayna ka wada siman yihiin Neymar Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close