Mourinho oo Kibirka meel iska dhigay isagoona qaatay TALO uu siiyay Pogba taa oo SABABTAY Guushii Newcastle…(Muxuu kula Taliyay??)

(Manchester) 08 Okt 2018. Manchester United ayaa guul caaqibo leh ka gaartay Newcastle United xilli qeybtii hore lagu hogaaminayay 2-0, kulankii bad baadada Jose Mourinho.

Mourinho ayaa waqtigii nasashada dhageystay fikradaha ciyaartoydiisa iyo waxa kooxda ka qaldan.

Macalinka reer Portugal ayaana xiddigiisa Pogba waydiiyay fikirkiisa ku aadan waxa laga badalayo Taak-tikada ay qebta labaad garoonka ku galayaan.

Laacibka reer France ayaa soo jeediyay in garoonka la soo galiyo  Marouane Fellaini isla markaana ay labadooda ka wada ciyaaraan qadka dhexe ee ka horreeya afarta daafaca iyadoona dib loo dhigayo Nemanja Matic si uu uga mid noqdo afarta daafaca.

Related image

Mourinho ayaana sidaas sameeyay taa oo la dhihi karo waxay sabab u noqotay guushii waalida ahayd ay ka gaareen Newcastle United.

Pogba ayaana markii taladiisa la qaaday soo bandhigay qeybta labaad bandhigiisii ugu fiicnaa ilaa iminka xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close