“Inaan ka ciyaaro Real Madrid waa riyada tan iyo caruurnimadeyda” _ Hazard oo markale ka hadlay kooxda Los Blancos

(Chelsea) 08 Okt 2018. Xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa xaqiijiyay riyadiisa kaga aadan inuu u ciyaaro kooxda Real Madrid, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay kooxda ugu fiican aduunka.

Hadalkan kasoo yeeray 27 jirkan reer Belgiam ayaa wuxuu imaanayaa kadib guushii ay kaga gaareen Southampton horyaalka Premier League kulankooda 8-aad ee xili ciyaareedkan..

Eden Hazard oo kasoo muuqday saxaafada ayaa markale wax laga weydiiyay dareenkiisa kaga aadan inuu wali xiiseenayo ka ciyaarista kooxda Real Madrid, kadib markii uu horey u xaqiijiyay inuu ku riyoonayo.

“Real Madrid waa kooxda ugu fiican aduunka, ma doonayo inaan been ka sheego, inaan ka ciyaaro halkaas waa riyada tan iyo caruurnimadeyda”.

Si kastaba Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa lala xiriiriyay Real Madrid xilli ciyaareedyadii hore, balse heshiiska labada dhinac ayaa lagu guuldareystay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close