Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Dolores Aveiro oo codsi deg-deg ah u dirtay taageerayaasha wiilkeeda

(Juventus) 08 Okt 2018. Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Dolores Aveiro ayaa barteeda rasmiga ah ee Facebook ku codsatay in si weyn loo taageero laacibka kooxda Juventus, kadib markii dhawaan lagu eedeeyay inuu kufsi sameeyay, taasoo sababtay in baaritaan lagu sameeyo.

Haweeney u dhalatay dalka mareykanka  ayaa ku eedeesay  laacibka kooxda Juventus ee reer Portugal Cristiano Ronaldo inuu ku kufsaday sanadii 2009 magaalada Las Vegas, taasoo uu si cad u diiday laacibka reer Portugal.

“Waxaan doonayaa inaan arko cida geesinimo leh ee sawirka Cristiano dhigi karta mudo isbuuc ah barteeda rasmiga, isla markaana soo raacin karta qoraal ah Ronaldo waa kula jirnaa ilaa iyo dhamaadka”.

“Portugal darteed, isaga dartiis, anaga darteen, midnimada shacabkeena iyo caddaaladda, waa inaan si wada jir ah u garab istaagnaa Cristiano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close