Guardiola oo raali galiyay Gabriel Jesus kadib Rigooradii loo diiday inuu tuuro

(Manchester) 08 Okt 2018 Gabriel Jesus ayaa si wayn u niyadjabay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee kulankii barbaraha ku soo idlaaday ee dhexmaray Liverpool iyo Man City.

Weerar yahanka reer Brazil ayaa u soo istaagay rigoore ay heshay Manchester City, balse tababare Pep Guardiola ayaa amray in laga qaado oo loo dhiibo Riyad Mahrez.

Laakiin Mahrez ayaa khasaariyay rigooradaas taas oo keentay in Man City ay lumiso labo dhibic, Guardiola ayaana sheegay inuu raali galiyay Gabriel Jesus dhamaadkii ciyaarta.

Tababare Pep Guardiola ayaa yiri:

“Dabcan waan raali galinayaa, kaasi wuxuu ahaa go’aankeyga, tababarka waxaan ku arkaa Mahrez oo si wacan u tuuraya rigoorooyinka, taas ayaana i galisay kalsooni badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close