Gonzalo Higuain oo rikoor cusub ka sameeyay AC.Milan

(Milan) 08 Okt 2018 Weerar yahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain ayaa rikoor cusub ka sameeyay kooxdiisa AC.Milan oo uu ku qaadanayo xiliciyaareedkii ugu horeeyay.

AC.Milan ayaa shalay galab 3-1 ku garaacday kooxda Chievo oo marti ugu ahayd San Siro, Gonzalo Higuain ayaana dhaliyay 2-gool.

Gonzalo Higuain ayaa dhaliyay 6-gool 7-kulan oo uu u saftay AC.Milan, waana bilowgiisii ugu fiicnaa ee koox uu kula bilowdo ee xirfadiisa sida ay baahisay CalcioMercato.

Wuxuuna ka caawiyay kooxdiisu inay soo tiigsato booska 10-aad ee jadwalka kala saraynta horyaalka talyaaniga xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close