Faah faahinta heshiiska Arsenal iyo Adidas (Waa kan 3-aad ee ugu qaalisan kooxaha yurub)

(London) 08 Okt 2018 Arsenal ayaa maanta shaacisay heshiis ay la gaartay shirkada Adidas si ay kooxda ugu samayso dharka iyo qalabka kale ee ciyaaraha.

Heshiiska Arsenal iyo Adidas ayaa ah mid bilaabanaya 1-July 2019, wuxuuna soconayaa mudo dhan 5-sano, wuxuuna gaarayaa ilaa 2024.

Image result for arsenal adidas

Qiimaha heshiiska ayaa ku fariisanaya 300 milyan oo Ginni oo u dhiganta in sanadkii uu yahay 60 milyan oo Ginni.

Waa heshiiska 3-aad ee ugu qaalisan kooxaha yurub, waxaa ka horeeya kaliya Barcelona oo kula jirta Nike heshiis ay sanadkii ku qaadanayso 140 milyan.

Manchester United ayaa ku jirta booska 2-aad oo sanadkii ka qaadata Adidas 75 milyan oo Ginni, heshiiska Adidas ee Arsenal ayaa ah kan ku soo xiga kaas oo ku kacaya 60 milyan sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close