DEG DEG: Arsenal oo heshiis la gaartay shirkada qalabka Sportiga ee Adidas

(London) 08 Okt 2018 Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis la gaartay shirkada samaysa qalabka Sportiga ee Adidas.

Heshiiskii kooxdu ay kula jirtay PUMA ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kaan, labada dhinac ayaana ku guul daraystay inay gaaraan is afgarad cusub.

Adidas ayaa ka faa’idaysatay oo heshiis la gaartay Arsenal kaas oo ka bilaabanaya 1-July ee 2019.

Laga bilaabo xiliciyaareedka dambe labiska Arsenal waxaa soo saari doonta shirkada Adidas oo la gaartay heshiis 60 milyan oo Ginni ah sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close