Messi iyo Rakitic oo Labo Abaal marin ka helay Hal Kulan….(Waa maxay?)

(Europe) 07 Okt 2018. UEFA ayaa abaal marisay xiddigaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Ivan Rakitic kaddib wacdarihii ay ku dhigeen Tottenham kulankii Champions League ay 4-2 uga adkaadeen usbuucii tagay.
Lionel Messi ayaa labo gool ka dhaliyay Spurs halka uu labo kalena birta ku dhuftay wuxuu kaloona ku lug lahaa labadii gool ee kale.
UEFA ayaana Messi u Magacowday xiddiga Usbuuca ee Champions League.
Rakitic ayaa isna gool aan innaba caadi ahayn ka dhaliyay Tottenham kaddib markii uu laad kulul dhex dhigay shabaqa kubbad dhul ma dhacdo ah.
Waxaana la guddoonsiiyay abaal marinta goolka Usbuuca ee UEFA.
Gool FM.