Kooxaha Livepool iyo Manchester City oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Anfield kulankooda Siddeedaad ee Premier League

(Premier League) 07 Okt 2018. Kooxaha Livepool iyo Manchester City ayaa ku kala baxay barbaro 0-0 kulankii ay ku wada ciyaareen garoonka Anfield, kaasoo ka tirsanaa kulamada 8-aad ee horyaalka Premier League

Kooxaha Livepool iyo Manchester City ayaa kulankan ku bilaawday si xiiso badan, xili kulankan uu labada kooxood u ahaa mid qaas ah, si loo go’aamiyo kooxda kali ku noqon doonta hogaaminta horyaalka Premier League.

Labada dhinac ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaarta sameeyeen fursado cajiib ah, xili qaab ciyaareedkooda uu ahaa mid iska ag dhawaa, waxayna inta badan adeegsanayeen kubado gaadmo ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 maadaama labada kooxood ee Livepool iyo Manchester City ay ku guuldareesteen inay iska dhaliyaan wax goolal ah.

Marka dib leysigu soo laabtay qeybta labaad ayay labada kooxood ee Livepool iyo Manchester City sameeyeen isku dayo weerar iyo weerar celis ah, xili jamaahiirta labada dhinac ee ku sugneed garoonka Anfield ay sugayeen cida dhalin doonta goolka daah furka ee ciyaarta.

Balse daqiiqadii 84-aad ee ku dhawaad dhamaadka ciyaarta garsooraha ayaa ku abaal mariyay kooxda Manchester City rigoore ama gees kalaad, waxaana ka qasaariyay Riyad Mahrez.

Ugu dambeyn kooxaha Livepool iyo Manchester City ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Anfield, waxayna ku kala baxeen barbaro 0-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close