Kadib guuldaradii Deportivo Alaves, Francisco Isco oo si weyn u difaacay kooxdiisa Real Madrid

(Real Madrid) 07 Okt 2018. Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid Francisco Isco ayaa xaqiijiyay inuu kalsooni ku qabo kooxdiisa Los Blancos inkastoo ay guuldaro kala kulmeen kulankii xalay ee Deportivo Alaves.

Francisco Isco ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray kadib guuldaradii Deportivo Alaves “Waxaan ku kalsoonahay kooxdeyda”.

Los Blancos ayaa lumisay kulamadii lasoo dhaafay adeega Francisco Isco oo haatan da’adiisu tahay 26 jir, kadib markii uu maray qaliin, sababa la xiriira xanuun dhanka caloosha ah.

si kastaba kooxda Real Madrid ayaa kala kulantay dhigeeda Deportivo Alaves guuldaro layaab leh, kadib markii loogu awood sheegtay 1-0, kulankooda 8-aad horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close