HORDHAC: SPAL 2013 v Inter

( Serie A ) 07 Okt 2018. Kooxda Inter Milan ayaa u marti ah naadiga Spal 2013 kulamada Siddeedaad ee horyaalka Serie A.

Inter ayaa ka baxday jaha wareerkii ay ku jirtay bilaawga xagaagan iyagoo guul gaaray kulamadii dambe ee horyaalka.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 09:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Fabio Maresca

Garoonka: Paolo Mazza

Wararka Labada Koox

Laacibiinta qadka dhexe ee Federico Viviani iyo Jasmin Kurtic ayaa dhaawacyo ka ha kooxda  SPAL.

Mattia Valoti ayaa ka garab cayaari doona Pasquale Schiattarella iyo Simone Missiroli si u badoolaan boosa cayaariyahanada maqan.

Luciano Spalletti ma uu sameyn doono isku shaandheeh badan xili kooxda Inter ay dib ugu soo laabtabay koobka Champions League xagaagan.

Matteo Politano iyo Stefan de Vrij ayaa ah laba cayaariyahan ee laga reebay shaxda kooxda sida la filayo.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Waxaa jira qiyaastii 2.5 gool oo ay dhalisay Spal 2013 siddeed kamida 10kii dheel ee ugu dambeyay garoonkeeda kulamada horyaalka Serie A.

Inter ayaa adkaatay 5 kamida 6dii dheel ee u dambeysay kulamada banaanka ee horyaalka Italy.

SPAL 2013 ayaa qasaartay seddaxdoodii cayaar ee u dambeysay horyaalka Serie A.

SPAL 2013 ayaa laga dhaliyay ugu yaraan 2 gool seddaxdoodii kulan ee u dambeysay kulamada horyaalka talyaaniga.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close