HORDHAC: Southampton v Chelsea

( Premier League ) 07 Okt 2018. Kooxda Chelsea ayaa u safartay dhigeeda Southampton Kulamada todobaadka Siddeedaad ee horyaalka Premier League.

Blues waa guuldarro la’aan ilaa hadda kulamada ay dheeshay dhammaan tartamada waxayna ku bilaawdeen Boqolkiiba boqol heer wanaagsan cayaaraha horyaalka.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 04:15 pm ( SGA )

Garsooraha: Craig Pawson

Garoonka: St Mary’s Stadium

Wararka Labada Koox

Seddaxda cayaariyahan ee kooxda Southampton Alex McCarthy, Ryan Bertrand iyo Mohamed Elyounoussi ayaa kusoo laabteen tababarka kaddib markii ay qabeen dhaawacyo yar waana kuwo la heli karo.

Weeraryahanka Shane Long ayaa sido kale dood ku jirtaa kaddib markii uu ka dhaawacmay suulka.

Chelsea ayay in badan kusoo laaban doonaan cayaartoydeyda kooxda kowaad kuwasoo la nasiayya kulankii Europa League ee khamiistii, waxaana kamida Eden Hazard, N’Golo Kante iyo Jorginho.

Pedro ayaa kasoo laabtay dhaawac garabkaa kulankaas iaydoo la filayo inuu ku lug yeesho dheesha maanta.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Southampton ayaa guuldareystay lixdii kulan ee u dambeysay oo ay la cayaartay  Chelsea dhammaan tartamada.

Waxaa sido kale laga adkaaday seddax mar xagaagii hore oo ay la kulantay Chelsea, waxaana kamida qasaaro garoonkooda kusoo gaartay horyaalka oo looga badiyay 3-2 – iyagoo laba gool la hormaray dheeshaas.

Southampton ayaa kaliya adkaatay 11 kulan oo ay tartamada isku arkeen Chelsea garoonkooda St. Mary waana cayaar horyaalka Premier League oo dhacday bishii March 2013 ( 2 barbaro, iyo 8 guuldarro ).

Chelsea ayaa guuleysatay sagaal kulan iyagoo hal cayaar qasaaray 14kii dheel ee u dambeysay horyaalka Premier League.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close