HORDHAC: Liverpool v Manchester City

( Premier League ) 07 Okt 2018. Kulanka loolanka hogaanka horyaalka Premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Xoog weyntaan ayaa xagaagan ku hardamaya horyaalka iyadoo diyaacayaasha City ay guul waa weyn gaareen halka, kooxda sanadkan isbadalka dooneysa ee Liverpoo ay si wacan ku bilaabatay horyaalka.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 06:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Martin Atkinson

Garoonka: Anfield

Wararka Labada Koox

Laacibka qadka dhexe Liverpool Naby Keita ayaa laga yabaa inuu taam u noqdo inuu cayaaro inkastoo uu habeenkii Arbaca ku jiray isbitaal kaddib jug xoogan oo dhabarka kasoo gaartay kulankii Napoli.

Adam Lallana ayaa isna ku dhaw inuu soo laabto laakiin Alex Oxlade-Chamberlain ayaa weli ku maqan dhaawac dheer.

Labada cayaariyahan ee naadiga Manchester City Kevin De Bruyne iyo Benjamin Mendy labaduba kusoo laabtay tababarka asbuucan iyadoo laga yaabo inay dheelaan.

Ilkay Gundogan ayaa wajahaya baritaano ku aadan dhaawac muruqaa, halka Fabian Delph uu weli maqan yahay.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Liverpool waa guuldarro la’aan 17 kulan oo ay garoonkeeda kula cayaartay Manchester City dhammaan tartamada (12 guul, iyo 5 barbaro ).

Guuldarradii ugu dambeysay oo kasoo gaartaa City waxay aheyd cayaar ka dhacday garoonka Anfield oo looga adkaaday 2-1 kulan horyaalka Premier League bishii May 2003.

City ayaa laga yaabi karaa inay qasaaro afar kulan oo ka dhan ah hal kooxda sanad gudihii markoodii seddaxaad taariikhda, kaddib Grimsby  1936 iyo Tottenham in 1993.

Xagaagii hore labadii dheel ee kooxahan is wajaheen horyaalka ayaa waxaa kasoo baxay 12 gool, lugtii dambe Liverpool ayaa ku adkaatay 4-3 kulan ka dhacay Anfield halka kulankii kowaad ay City ku adkaatay 5-0.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close