HORDHAC: Fulham v Arsenal

( Premier League ) 07 Okt 2018. Arsenal ayaa booqaneysa kooxda Fulham kulamada asbuuca Siddeedaad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Unia Emery ayaa la joojin la’ yahay kulamadii dambe oo ay guul gaareen todobada dheel xariira dhammaan tartamada.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 02:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Paul Tierney

Garoonka:  Craven Cottage

Wararka Labada Koox

Fulham waxaa ka maqnaanaya daafacyada dambe ee Timothy Fosu-Mensah iyo Joe Bryan, kuwaa oo dhaawacyo garabka iyo muruqaa uu soo gaaray kulankii Everton ee asbuucii hore.

Yeelkeede, Alfie Mawson ayay doodi ku jirtaa inuu kasoo laabto dhibaato dhabarkaa.

Arsenal ayaa rajeyneysa in Pierre-Emerick Aubameyang uu kasoo kaban doono xanuun, halka Aaron Ramsey laga yaabo inuu cayaaro kaddib markii uu waqti la qaatay xaaskiisa oo dhawaan canug u dhashay.

Bernd Leno ayaa sameyn doona safashadiisa ugu horreysa horyaalka Premier League,iyadoo  Petr Cech uu ku maqan yahay dhaawac muruqa ah.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Fulham ayaa adkaatay kaliya seddax jeer oo kamida 30kii dheel ee ugu dambeysay cayaaraha horyaalka sare oo ay la kulantay Gunners (6 barbaro, iyo 21 guuldarro). Markaliya oo ay guul gareen 11kii cayaar ee lasoo dhaafay waxay aheyd kulan ay ku adkaadeen garoonkooda bishii January 2012.

Arsenal ayaa guuleysatay labadii kulan ee u dambeysay Premier League oo ay ku cayaartay garoonka Craven Cottage, labaduba waxaa sanadkii 2013.

Waxaa jirta afar casaan – oo min laba ay kula qaateen kooxahan – afartii dheel ee u dambeysay Premier League oo ay ku kulmeen garoonka Craven Cottage.

The Gunners ayaa u rajo weyn iney adkaato kulankii lixaad oo xariira horyaalka Premier League hal xagaa markii ugu horreysay tan iyo bilihii August iyo October 2016.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close