“Goolka saddexaad ee Alvaro Morata wuxuu ka tarjumayaa kubada cagta ee aan aadka u jeclahay”… Maurizio Sarri

(Chelsea) 07 Okt 2018. Macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kadib guushii 3-0 ay kooxda Southampton kaga gaareen horyaalka Premier League.

Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah ee 3-0 kala soo laabtay St Mary’s Stadium guul muhiim ah, kulankooda 8-aad ay xili ciyaareedkan ka ciyaareen horyaalka Premier League.

Goolasha kooxda Blues ee kulankan ayaa waxaa u kala dhaliyay xidigaha Eden Hazard, Ross Barkley iyo Alvaro Morata.

Goolka seddexaad ayaa yimid kadib 31 baas xiriir ah ay sameeyeen wiilasha Blues, kaasoo uu dhaliyay Alvaro Morata, kadib shaqo wada jir ah ay qabteen xidigaha kooxda Chelsea.

Hadaba macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa wuxuu ka hadlay goolka 3-aad uu dhaliyay Alvaro Morata, kadib shirkii jaraa’id uu kasoo muuqday.

“Goolka sadexaad ayaa iila muuqda wax badan sababtoo ah, sababtoo ah wuxuu ka tarjumayaa kubada cagta ee aan jeclahay, isla markaana aan baro ciyaartoyda”.

“Inaad dhaliso gool, kadib sameynta baasaskan tirada badan ayaa ah wax aad u wanaagsan”.

“Waan ku faraxsanahay Alvaro Morata, sababtoo ah waa muhiim in weeraryahanka uu goolal dhaliyo, sababtoo ah waxay xoojineysaa kalsoonida naftiisa, wuxuu u ciyaaray si wanaagsan daqiiqadihii dambe uu ka qeyb qaatay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close