Taageerayaasha Manchester United oo si wayn u garab istaagay caawa tababare Jose Mourinho

(Manchester) 06 Okt 2018 Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa caawa si wayn u garab istaagay tababarehooda reer Portugal ee Jose Mourinho.

Newcastle United ayaa 2-0 gaarsiisay Manchester United qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin waxaa loogu badalay 3-gool qaybtii dambe.

Taageerayaasha ayaa ku qaylinayay magaca Jose Mourinho daqiiqadihii ugu danbeeyay waqtigaas oo xamaasada garoonku ay ahayd mid kacsan taas oo ka caawisay kooxdu inay keento 3-gool oo dag dag ah.

“Waxaan nahay ciidanka Mourinho ee gaduudan” ayeey ku qaylinayeen taageerayaasha Manchester United daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta.

Garoonka Old Trafford waxaa ka soo muuqday boorar lagu taageerayo Jose Mourinho, wiil yar ayaa la arkayay isaga oo wata boor lagu soo qoray:

“Guulaystuhu waa Jose, Ed Woodward waa guul daraystaha”, boor kale ayaa lagu soo qoray: “Wali waxaan la midaysanahay Jose!!”.

Tababare Mourinho ayaa taageerayaasha u mahadceliyay dhamaadkii ciyaarta ka hor intii uusan ka bixin garoonka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close