Ronaldo oo Cadaawad hor leh u sii qaaday Real Madrid kadib markii uu ku tuhmay ku lug lahaanshaha …..!!

(Turin) 06 Okt 2018 Cristiano Ronaldo ayaa cadaawad hor leh u sii qaaday kooxdiisii hore ee Real Madrid kadib markii uu ka tagay suuqii xaggaaga.

Wargayska La Repubblica ee dalka talyaaniga ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu ku tuhunsan yahay Real Madrid inay u soo abaabushay arimo lid ku ah sumcadiisa.

Wuxuu rumaysan yahay in sheekada kufsiga ee maalmahaan saaran saxaafada caalamka inay ka danbayso kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Abaal marinadii uu waayay sanadkaan sida xiddigii ugu fiicnaa yurub iyo kan ugu fiican adduunka, wuxuu rumaysan yahay in Real Madrid ay ka hor istaagtay ku guulaysiga abaal marinadaas.

Sidoo kale, kaarkii casaa ee loo taagay kulankii Valencia ayuu ku tuhun sanyahay inay ka danbayso Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close