Real Madrid oo Guuldarro Naxdil leh kala kulantay Deportivo Alaves

( La Liga ) 06 Okt 2018. Real Madrid ayaa la quusiyay daqiiqadii ugu dambeysay ee cayaarta markii looga badiyay 1-0 kulankii ay u martiyeen dhigeeda Deportivo Alaves.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 0-0 iyadoo laba dhinac ay sameeyeen fursado halisa.

Real ayaa isku day walbaa oo gool ay ku dhalin kareen sameeyay laakiin uma suuragalin iney la yimaadaan guul cayaartan.

balse dhamaadka dheesha gaar ahaan daqiiqadii 90-aad iyo waqtigii dheeriga ee lagu daray ayaa goolka guusha ay ku gaartay kooxda Alaves waxaa u dhaliyay Manu Garcia kaddib markii uu dhameystiray kubbad madax aheyd.

waa markale iyo niyad-jab weyn oo heysta kooxda Los Blancos oo guul gaari la’ kulankii afaraad oo xariira iyagoo xitaa aan wax goola dhalin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close