Peter Schmeichel oo weerar ku qaaday xiddigaha Manchester United

(Manchester) 06 Okt 2018 Goolhayihii hore ee Manchester United ee Peter Schmeichel ayaa weerar cad ku qaaday xiddigaha tababare Mourinho.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Manchester United lagu nasiyay 0-2 oo ay hogaanka ku haysay kooxda Newcastle United oo marti ku ah caawa Old Trafford.

Peter Schmeichel ayaa ku tilmaamay xiddigaha Manchester United kuwo aad u liita kadib qaab ciyaareedkii liitay ee ay soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Isaga oo ka hadlayay natiijada qaybtii hore ee ciyaarta ayuu yiri:

“Waxaan dareemayaa ciriiri, suurogal ma ahan in natiijadu ay lama filaan ku noqoto, waxay ahayd inay u dagaalamaan noloshooda, hab dhaqankoodu waa wax laga xishoodo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close