Ma saxbaa in Mourinho laga cayriyay Manchester United? (Warkii u danbeeyay)!

(Manchester) 06 Okt 2018 Waxaa si xowli ah ku socda wararka sheegaya in tababare Mourinho laga cayriyay shaqada kooxda Manchester United.

Wararka badankooda ayaa xaqiijinaya in maamulka Manchester United ay isku raaceen in isbuucaan la cayriyo tababare Mourinho gaar ahaan wixii ka danbeeya kulanka caawa ee Newcastle United.

Laakiin Sky Sports ayaa goor dhaw baahisay in dhamaan wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana aysan sax ahayn macluumaadka sheegaya in Mourinho laga diray United.

Cadaadis xoogan oo dhan walba ah ayaa saaran Jose Mourinho xili kooxdiisu ay caawa marti qaadayso Newcastle United.

BBC Sport ayaa iyaduna sheegtay in shalay magaalada London ay ku kulmeen wakiilo ka kala socda Mourinho iyo Ed Woodward, waxaana lagu wargaliyay tababaraha reer Portugal in la siinayo waqti ku filan oo uu ku hagaajin karo qaladaadkiisa.

Balse heshiiska ayaa is badal uu ku dhici doonaa haddii caawa ay guul daro ka soo gaarto Newcastle United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close