Kevin De Bruyne oo taam u ah kulanka Liverpool

(Manchester) 06 Okt 2018 Kevin De Bruyne ayaa si lama filaan ah uga soo muuqan doona kulanka adag ee Manchester City ay u safrayso Liverpool bari oo axad ah.

Xiddigaan reer Belgium ayaa dhaawacmay, waxaana la sheegay inuu garoomada ka maqnaanayo muddo dhan 3-bil.

Balse wuxuu garoomada dib ugu soo laabtay hal bil ka hor waqtigii la qorsheeyay, Kevin De Bruyne ayaana si buuxda haatan taam ugu ah kulanka Liverpool.

Tababare Pep Guardiola ayaa kala dooranaya inuu ku soo bilaabayo Kevin De Bruyne iyo inuu keydka dhigi doono kulnka habeen dambe ee Liverpool iyo Manchester City.

Sidoo kale Mendy ayaa isna dib ugu soo laabtay tababarka Man City ee ka hor kulanka Liverpool, tababare Pep oo ka hadlay taam ahaanshaha labadaan xiddig ayaa yiri:

“Labaduba tababar ayeey qaadanayaan, sabtiga ayaan go’aan kama danbays ah ka qaadanaynaa inay ciyaarayaan iyo inkale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close