Juventus oo waynaysa xiddig muhiim ah kulanka Manchester United

(Turin) 06 Okt 2018 Tababare Allegri ayaa wajahaya dhibaato cusub ka hor kulanka kooxdiisu ay u safrayso Manchester United.

Labada kooxood ayaa ku wada balansan Old Trafford 23-ka bishaan, Juventus ayaana ku dadaalaysa sidii ay u xaqiijin lahayd u soo bixida wareega 16-ka.

CalcioMercato ayaa baahisay in Sami Khedira uu soo gaaray dhaawac u diidi kara inuu qayb ka noqdo xiddigaha ciyaaraya kulankaas muhiimka ah.

Laacibka ayaa ku dhaawacmay kulankii Champions League ee kooxdiisu ay 3-0 uga adkaatay Young Boys, wuxuuna maqnaanayaa muddo isbuucyo ah.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin karo in Sami Khedira uu seegayo kulanka United, balse fursada uu ku ciyaari karo kulankaas ayaa ah mid aad u yar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close