HORDHAC: Deportivo Alaves v Real Madrid

( La Liga ) 06 Okt 2018. Real Madrid ayaa u marti ah kooxda Deportivo Alaves cayaaraha todobaadka siddeedaad ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa wax goola dhalin seddaxdii cayaar ee u dambeysay iyagoo sido kale aan guul gaarin kulamadaas.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 07:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Santiago Jaime Latre

Garoonka: Estadio Mendizorrotza

Wararka Labada Koox

Ruben Duarte ayaa soo laabanaya waan mid taam u ah kooxda guriga.

Ximo Navarro ayay suuragal tahay inuu daafaca dhexe ku wehliyo Guillermo Maripan.

Mubarak Wakaso iyo Darko Brasanac ayaa dib ugu soo laabnaya qadka dhexe kaddib markii la nasiyay kulankii Levante.

Gareth Bale ayaa cayaari kara dheeshan kaddib baaritaan uu maray markii dhaawac looga saaray kulankii Madrid derby, wuxuuna ahaa mid la nasiyay kulankii bartamada asbuucii hore.

Alvaro Odriozola ayaa kusoo bilaaban doona daafac midig ee kooxda martida kaddib dhaawac looga saaray Dani Carvajal cayaartii Champions League.

Haddii uusan Bale noqon mid aan awoodin inuu shaxda kuwaad ku bilaawdo, Dani Ceballos ayaa la filiyaa inuu booskaas ka cayaaro.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Kooxda horyaalka yurub heysta ayaa booqaneysa Alaves kuwaa oo si wanaagsan u bilaawday horyaalka La Liga waana guuldarro la’aan seddaxdooda dheel ee gurigooda ay ku cayaareen ilaa haatan.

Deportivo Alaves ayaa qasaartay hal cayaar shantii kulan ee ugu dambeysay.

Real Madrid ayaa natiijo niyad-jaba wajahday bartamaha todobaadkii hore markii ay guuldarro kala kulmeen CSKA Moscow taas ayaa ka dhigan in kooxda Los Blancos mudadii ugu dheereen ay seddax kulan wax goola dhalin tan iyo xagaagii 2006/07.

Wiilasha Julen Lopetegui ayaa ku fashomay inay gool dhaliyaan shantii saacadood ee u dambeysay kubbad cagta, iyagoo doonaya in rikoodhkaa xun ay soo afjaraan todobaadkan.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close