Halyayga reer Germany ee Rudi Voller oo ku dooday in Messi uu ka sareeyo qof walba

(Yurub) 06 Okt 2018. Halyayga reer Germany ee Rudi Voller ayaa si weyn u amaanay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, kadib markii uu ku tilmaamay inuu ka sareeyo dhamaan ciyaartoyda kubada cagta ee aduunka.

Lionel Messi ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kulankii ay UEFA Champions League kula ciyaareen kooxda Tottenham Hotspur wuxuuna ka dhaliyay 2 gool, xili Barca ay guul ku gaartay 4-2.

“Messi ma uusan fiicneyn Koobka Aduunka 2018, laakiin aniga ahaan wuxuu ka sareeyaa qof walba, xitaa hadii uu heerkiisa hoos u dhaco sanad ama laba sano”.

“Lionel Messi wuxuu qabtay shaqo adag wuxuuna sameeyay wax walba mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waa ciyaaryahanka aan jeclajhay in xili kasta aan daawado”.

Si kastaba Messi ayaa dhaliyay 10 gool ilaa iyo haatan, 10 kulan rasmi ah uu kaga soo muuqday maaliyada kooxd Bacelona xili ciyaareedkan 2018/2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close