Guushii Waalida ahayd ay Caawa gaartay Man United waxaa ka dambeeyay HADALKAN uu Jose Mourinho ku yiri Ciyaartoydiisa waqtigii Nasiinada!!!!

(Manchester) 06 Okt 2018. Manchester United ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay Newcastle United ciyaar lagu sheegay kulankii bad baadada Jose Mourinho.

Red Devils ayaa wax badan lagu hogaaminayay labada gool balse waqtigii dambe ayay la timid dadaal aan innaba caadi ahayn iyagoona la yimid 3-gool.

Jose Mourinho ayaa daaha ka rogay hadaladii uu ku yiri ciyaartoydiisa waqtigii nasiinada taa oo keentay inay dhigaan wacdaro loo riyaaqo.

Soccer Football - Premier League - Manchester United v Newcastle United - Old Trafford, Manchester, Britain - October 6, 2018 Manchester United manager Jose Mourinho runs off the pitch at half time REUTERS/Phil Noble EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

“Waqtiga Nasiinada ee qeybta hore waxaynu yeelanay wada sheekeysi fiican,” Mourinho ayaa sidaa yiri.

“Ma aynaan iska balan qaadin inaan kulanka guuleysan doono, waxaan iska balan qaadnay inaan bixino wax kasta waliba cabsi la’aan- wax kasta ayay bixiyeen, u maleyn maayo inaan nasiib ku lahayn guusha, waan ku dagaalanay kulanka.

“Xitaa Haddii uu kulanku ku dhammaan lahaa 2-2 waxaan garoonka kala tagi lahayn dareen fiican, cidna ma balan qaadi karto inuu guuleysto kulamada laakiin xirfadlayaasha waxay balan qaadi karaan inay bixiyaan wax kasta wayna sameeyeen”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close