“Caruurteyda anigoon la sheekeysan ayay iga Jiiftaan/Hurdaan.”.- Willian oo DHALIILAY Tababare Sarri

(London) 06 Okt 2018. Willian ayaa u muuqda mid dhaleeceeyay tababare Sarri kaa oo tababar badan bixiyay Galbihii.

Macalinkii hore ee Napoli ayaa xilka Blues ka dhaxlay Antonio Conte oo la ceyriyay wuxuuna dib u hagaajin ku sameeyay sida ay tababarka u sameyso Chelsea.

Falsafada Sarri ayaa ah mid ku dhisan baas iyo in kubbad la heysto ilaa iminkana si wacan ayay u shaqeysay.

Laakiin, Willian ayaa dhaliilsan tababarka Galbihii la soo xaadiro maadaama uu sheegay inuu waayay waqti uu caruurtiisa kula sheekeysto.

“Dabcan, waxaan doorbidayaa inaan subixii tababarka sameeyo maxaa yeelay tababarka kaddib waxaad la joogi kartaa reerkaaga, gabdhahaaga,” Willian ayaa sidaa u sheegay The Times.

“Marka aan tababarka sameynayo galbihii, caruurteyda guriga ayay aadayaan markii aan anigu imaadana waxay cunayaan Casho dabadeedna sariirta ayay aadayaan.

“Sidaa darteed wax yar ayaan arkaa gabdhaheyga, taasi waa sababta aan u doorbidayo Tababarka Subixii.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close