Agaasimaha ciyaraha kooxda Juventus oo si weyn u difaacay Ronaldo, kadib eedeymihii kufsiga

(Juventus) 06 Okt 2018. Agaasimaha ciyaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay maanta oo Sabti ah in si weyn loo caawiyo laacibkooda Cristiano Ronaldo.

Laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday haweeney Mareykan ah sanadkii 2009kii.

Fabio Paratici ayaa maanta u sheegay shabakada “Football Italy” ee dalka Talyaaniga in garab istaag weyn ay u sameyn doonaan xidiga kooxdooda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

“Ronaldo marwalba wuxuu ahaa mid ku firfircoon arrimaha bulshada, waa shaqsi cajiib ah oo ka sareeya eedeymaha loo soo jeediyay, sida uu xaqiijiyay saaxiibadiis”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa si xoogan u beeniyay dambiga kufsiga ah, iyadoo booliska Mareykanka ee Las Vegas ay dib u fureen baaritaano ku aadan kiiskan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close