Xidigaha Manchester United oo aaminsan in ay muhiim tahay in Jose Mourinho uu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford

(Manchester) 05 Okt 2018. Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxda Manchester United ay si buuxda ugu qanacsan yihiin in ay muhiim tahay in Jose Mourinho uu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford, si ay kaga baxaan xaalada adag ay haatan ku jiraan  .

Ilo ku dhow kooxda ayaa u sheegay wargeyska in ciyaartoyda ay ka careysan yihiin Mourinho, kaasoo diiday inuu qaato mas’uuliyadda xaalada adag ay haatan kooxda ku jirto,

Xili uu mar walbana isku dayo Mourinho inuu ku eedeeyo ciyaartoyda kooxda Manchester United shirarka jaraa’id ama uu ka hadlo nasiib xumo iyo dib u eegista guulihii uu horey u soo gaaray.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray in ciyaartoy badan ay dhibane joogta ah u noqdeen eedeymaha Jose Mourinho, wuxuuna xili kasta ku eedeeyaa inay mas’uul ka yihiin natiijooyinka xun ee kooxda Manchester United.

Warbixinta ayaa intaa kusii dartay in ay jirto xaalad xun ee ka jirta qolka labiska, dhamaan ciyaartoyduna waxay u arkaan in xaaladu aysan sidaan ka roonaan doonin hadii Mourinho uu sii wato shaqada tababarka kooxda Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close