Xavi Hernandez oo hal arin ku niyad jabiyay jamaahiirta kooxda Barcelona

(Barcelona) 05 Okt 2018. Halyayga kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaan aaminsaneyn inuu diyaar u yahay inuu tababare ka noqdo kooxdo Blaugrana, wuxuuna ka codsaday inay dulqaad yeeshaan kuwa sugaya inuu shaqadan ka qabto.

38 jirkan ayaa bilaabay talaabadii ugu horeysay ee dhanka shaqada tababarka, inkastoo uu weli u ciyaaro kooxda reer Qatar ee Al Sadd.

“Haatan waxaan macalin ka noqon karaa waddamo yaryar, laakiin sanadka soo socda, bisha May, waxaan rajeenayaa inaan helo shahaadada UEFA Pro si aan u tababaro koox kasta”.

“Ciyaaryahan ahaan, dadka waxay iga filayaan waxyaabo aniga iga horeeya, sida Pep Guardiola cusub, anigana weli ma aan arkin”.

“Haatan uma arko aniga ahaan inaan ahay tababare buuxa, waa inaan dulqaadanaa”.

Si kastaba Xavi Hernandez ayaa ka dhaqaaqay garoonka Cump Nou 2015, kadib markii uu la gaaray guulo waaweyn ee isugu jiro mid gaar iyo mid guud.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close