Saraakiisha Barcelona oo qorsheenaya in dhibaatada ka heysata dhanka difaaca ay ku xaliyaan xidiga kooxda…

(Barcelona) 05 Okt 2018. Saxaafada dalka Spain ayaa sheegeysa in maamulka kooxda Barcelona ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan difaaca reer Senegale iyo kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly.

27 jirkan heerka caalami ee xulka qaranka Senegal, Kalidou Koulibaly ayaa mudo dheer la joogay kooxda Napoli, waxaana haatan loo tixgelinayaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican qaarada Yurub iyo adduunka.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu sheegay in maamulka kooxda Barcelona ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan Kalidou Koulibaly, si loo xalliyo dhibaatada ka heysata dhanka difaaca.

Kalidou Koulibaly ayaa haatan lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah bar-tilmaameedyada kooxda Barcelona, waxayna isku dayeen inay sameeyaan saxiixiisa in ka badan hal jeer.

Laakiin dhibaatada haysata Barcelona ayaa ah qiimaha ciyaaryahanka ee gaarsiisan aduun dhan 65 milyan euro, xili la fahansan yahay in saraakiisha Napoli aysan ku iibin doonin qiimo intaas kayar.

Si kastaba difaaca reer Senegale ee Kalidou Koulibaly ayaa wuxuu dhacayaa heshiiska uu haatan ku joogo kooxda Napoli ilaa iyo sanada 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close