Klopp oo la wadaagay Jamaahiirta Liverpool war farxad leh ee ku aadan xaalada dhaawac ee Naby Keita

(Liverpool) 05 Okt 2018. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa u xaqiijiyay jamaahiirta Reds in xidiga khadka dhexe ee Naby Keïta uu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka Manchester City ee wareega 8-aad ee horyaalka Premier League.

Naby Keïta ayaa ka dhaqaaqay garoonka qeybta hore ee kulankii Napoli ee tartanka Champions League, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray.

Laacibka reer Guinea ayaa ku soo laabtay Merseyside, kaddib markii uu kasoo baxay isbitaalka, wuxuuna Klopp ka hadlay xaalada haatan ee Naby Keïta kahor kulanka  Manchester City.

“Naby Keïta wuxuu xanuun ka qabay dhanka dhabarka, waa inaan sugnaa, ma aqaano inuu tababarka nagala qeyb gali doono, waa inaan la soconaa xaaladiisa”.

“Xaalada waxay u muuqataa mid aan halis ahayn, sidaas darteed fursad ayaa jiri karta balse ma hubo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close