Alexis Sanchez oo ay meel Xun ka mareyso isagoona…!!

(Manchester) 05 Okt 2018. Alexis Sanchez ayay meel xun ka mareysaa isagoona qaati ka soo istaagay Jose Mourinho.

Xiddiga ugu mushaarka badan Premier League 505,000 oo bound usbuuciiba ayaa wakiilkiisa kala hadlay sidii loo xalin lahaa arrinkan.

Laacibka reer Chile ayaa la badelay markii afaraad kulankii Valencia ee Champions League waxaana si kajan ah ugu sacbo tumay taageerayaasha.

Xiddigii hore ee Gunners ayaan ka careysneyn oo kaliya badelka oo wuxuu goor horeba ka dagaashanaa booska laga ciyaarsiiyo ee garabka midig ee qadka dhexe, waxaana booska uu jecel yahay ee dhinaca bidix ee saddexda weerarka laga ciyaarsiiyaa Rashford.

Alexis Sanchez ayay si joogta ah isugu dhacaan Mourinho arinka ka aadan booska laga ciyaarsiinayo.

Ilo wareedyo ku dhow dhow laacibka ayaa iminka tibaaxaya inuu qaati ka soo istaagay sheekadan isla markaana uu wakiilkiisa kala hadlay sidii loo xalin lahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close