SAWIRRO: Garoonkii ay Xalay ku ciyaareen Tottenham iyo Barcelona oo ahaa mid RAF AH….(Maxay tahay SABABTA?)

( London ) 04 Okt 2018. Garoonka Wembley oo ay Tottenham kula cayaareysay Barcelona kulankooda labaad ee heerka group-ka ayaa ahaa mid ay liitado bilicdiisa sababtoo ah waxaa bishii lasoo dhaafay lagu qabtay kulan feer ah oo uu qeyb ka ahaa Feeryahanka caanka ah ee Anthony Joshua .

Spurs ayaa dheeshii ay la qaadatay kooxda xafidaneysa horyaalka La Liga ee Barcelona kala kulantay guuldarro culus markii looga adkaaday 4-2.

Laakiin xaalada garoonku waa mid liidatay gaar ahaan dhanka qadka dhexe ee kubbada laga baasto oo aad looga dareemayay Raf ama dayactir la;aan.

Dhawaan ayaa garoonka Wembaley waxaa lagu dheelay cayaarta Feerka uu koobkaas guul ku difaacday ninka lagu magcaabo Joshua oo garaacay Alexander Povetkin kulan dhxemaray labada shaqsi dhamaadka bishii September,

Inta badan maalmahaas waxaa magaalada London ka da’ay Roobab Xoogan.

Spurs ayaa si ku meel gaara ugu dheesha Gegiga Wembley sanadkii labaad oo xariira madaama uu gabo gabo yahay dhismaha garoonkooda cusub oo dhamaadka sanadka la furi doono.

Natiijada sawirka Wembley pitch for Tottenham vs Barcelona in bad state 11 days after Anthony Joshua fight

Natiijada sawirka Wembley pitch for Tottenham vs Barcelona in bad state 11 days after Anthony Joshua fight

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close