Real Madrid oo ka warbixisay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca kasoo gaaray Carvajal kulankii CSKA Moscow

(Real Madrid) 04 Okt 2018. Real Madrid ayaa maanta oo khamiis ah shaacisay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacii difaaceeda garabka midig ee Dani Carvajal kasoo gaaray kulankii guuldarada 1-0 ay kala kulmeen kooxda CSKA Moscow ee tartanka Champions League.

Kadib baaritaanada caafimaad uu maray 26 jirkan kooxda, ayay Real Madrid natiijada kasoo baxday ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah inuu laacibka reer Spian uu dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa lugta.

Laakiin kooxda Real Madrid ayaa ilaa iyo haatan aanan shaacinin mudada uu garoomada ka maqnaan doono Dani Carvajal, laakiin fursada uu u heysto inuu kaga qeyb gali karo kulanka Sabtida ee kooxda Deportivo Alaves ayaa ah mid aad liidata.

Si kastaba Los Blancos ayaa dooneysa inay dib u hesho dheeli tirnaanta kooxdeeda kadib markii ay saddexdii kulan lasoo dhaafay ay la kulantay 2 guuldarooyin iyo 1 barbaro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close