Klopp oo balan qaad adag sameeyay kahor kulanka Manchester City ee horyaalka Premier League

(Liverpool) 04 Okt 2018. Macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa balan qaaday in Reds ay qaab ciyaareed kale soo bandhigi doonto kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Manchester City.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa isku arki doono Axada soo aadan kulan ka tirsan kulamada 8-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League.

Xili ay Liverpool ay badisay 7 kulan oo isku xigta, hadana waxay ku guuldareysteen inay badiyan seddexdii kulan ee ugu danbeysay mudada 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale kooxda Napoli ayaa xalay guuldaro 1-0 dirtay kooxda Liverpool kaddib goolka guusha oo yimid daiiqadii dheeriga ee kulanka lagu daray, Klopp ayaana la hadla jamaahiirta kahor kulanka Manchester City.

“Waxaan heysanaa seddex maalmood oo aan ku soo kabsano, kadibna waxaan la ciyaari doonaa kooxda Manchester City”.

“Kulankan waa mid aad u adag xili kasta ee xili ciyaareedka ah, mar walba kulamada lala ciyaarayp kooxda Manchester City waa kuwo aad u adag”.

“Axada waxaan heli doonaa taageerayaasha oo ina sugaya”.

“Qof walba wuxuu daawaday sida ay Napoli kaga faa’ideesatay jamaahiirteeda, inkastoo aan soo bandhignay qaab ciyaareed wanaagsan”.

“Laakiin ugu yaraan Axadda, shaqadu waxay noqon doontaa mid boqolkiiba boqol ka duwan sidii hore ”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close