Jordi Alba oo ku tilmaamay abaal marinta The Best mid been ah, sababa la xiriira Lionel Messi

(Barcelona) 04 Okt 2018. Difaaca garabka bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa beeniyay in Lionel Messi uu ku guuldareestay abaalmarinta xidiga ugu fiican aduunka ee The Best.

Hadalka Jordi Alba ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu Messi ku hogaamiyay Barcelona in ay Tottenham Hotspur guul 4-2 ah kaga soo gaaraan garoonka Wembley

“Abaal marinta The Best waa mid been ah, Luka Modrić waa ciyaaryahan weyn, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka, laakiin Lionel Messi qaab ciyaareedkiisa waa heer sare”.

“Lionel Messi wuxuu markale muujiyay inuu yahay kan ugu fiican aduunka”.

Dhinaca kale difaaca garabka midig ee kooxda Barcelona Jordi ayaa wuxuu ka hadlay guushii ay ka gaareen Tottenham Hotspur.

“Hadii aan u ciyarno xili kasta sida kulanka Tottenham Hotspur, waxaan ku guuleysan doonaa tartamada oo dhan xilli ciyaareed kasta, haddii aan wax saxno isla markaana aan u shaqeyno koox ahaan, waxaa adkaan doonta sida nagala badin lahaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close