Enrique oo ku dhawaaqay liiska xidigaha uu kala hor tagi doono kulamada Wales iyo England __ (Miyuu ku soo baxay Jordi Alba?)

(Spian) 04 Okt 2018. Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska La Roja, ee kulamada Wales iyo England inta lagu gudi jiro kulamada caalamiga ah ee soo aadan.

Luis Enrique ayaa markale ka reebay liiska xidigaha uu dhawaan ku dhawaaqay xidiga difaaca garabka bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba, kaasoo ay wararka tilmaamayaan inuu khilaaf ku dhex maray marka uu macalinka ka ahaa kooxda Barca.

Laakiin waxaa liiskan kusoo baxay weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Paco Alcácer, sidoo kale xidiga kooxda Wolverhampton Jonny Castro, Marc Bartra oo isna ah kooxda Real Betis, iyo xidiga kooxda Atletico Madrid midfielder Koke.

Hadaba halka hoose kaga bogo liiska xulka qaranka Spain uu dhawaan ku dhawaaqay Luis Enrique:

Goolhaayaasha: David De Gea (Manchester United), Kepa Arrizabalaga (Chelsea), Pau López Sabata (Real Betis).

Difaacyada: Raúl Albiol (Napoli), Jose Luis Gaya (Valencia), Marcos Alonso (Chelsea), Nacho (Real Madrid), Ramos (Real Madrid), Marc Bartra (Real Betis), César Azpilicueta (Chelsea), Jonny Castro (Wolverhampton).

Khadka Dhexe: Busquets (Barcelona), Rodrigo Hernández (Atletico Madrid), Koke (Atletico Madrid), Daniel Ceballos (Real Madrid), Thiago (Bayern Munich), Saúl Ñíguez ( Atletico Madrid).

Weerarka: Marco Asensio (Real Madrid), Álvaro Morata (Chelsea), Rodrigo (Valencia), Iago Aspas (Celta Vigo), Paco Alcácer (Borussia Dortmund).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close