Deschamps oo iska fogaayeena in wax lug ah uu ku yeesho khilaafka ka dhexeeya Pogba iyo Mourinho

(France) 04 Okt 2018. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa xaqiijiyay khilaafka ka dhexeeya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba iyo tababare  Jose Mourinho inuusan wax walwal ah ka qabin.

Radio “Monte Carlo” ayaa soo xigtay dhowr arimood uu Didier Deschamps kaga hadlay shirkii jaraa’id uu ka soo muuqday maanta oo khamiis ah, wuxuuna ka hadlay khilaafka ka dhexeeya Jose iyo Pogba.

“Aniga ma walwalsani, sababtoo ah ma ihi Jose Mourinho, mana faragalin doono xiriirkooda”.

“Arimaha u dhexeeya ciyaartoyda iyo kooxahooda, waa arin iyaga qaas u ah, laakiin waa inaanan kala saarin waxqabadka shaqsiyadeed ee ciyaaryahan kasta iyo heerkiisa kooxda”.

“Diyaar garowga Paul Pogba waa mid inooga duwan yahay xulka qaranka Faransiiska”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close