Dekadda vs Benaadir iyo …….(Kulamada Maanta la ciyaarayo Koobka Jeneraal Daa’uud)

(Muqdisho) 04 Okt 2018. Labo kulan oo ka tirsan tartanka Jeneraal Daa’uud ayaa galabta lagu balansan yahay In la ciyaaro waxaana is arki doona kooxaha Dekedda Vs Banaadir Sports Club iyo Elman Vs Bariga Dhexe, kulamadan ayaa ka kala dhici doona garoomada Jaamacaddaha iyo Banadir Stadium.

Tartanka General Daa’uud ayaa si xiiso leh ugu socda caasimada magaalada Muqdisho, waxaana koobkan daafacaneysa kooxda kubdda cagta Elman.

Kooxaha Banadir S,C iyo Dekedda ayaa galabta ku hardami doona garoonka dhaca Degmada Cabdicasis ee Banadir Stadium.

Naadiga Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey 3-2 ugu soo adkaatay kooxda Elman, kulankaas oo dhacay 28-09-18.

Dekedda kulankeedii Saddexaad aye galabta ciyaareysa xili labadeydii kulan ugu dambeysay ay soo badisay.

Kooxda Banadir Sports Club kulankii ugu dambeyay waxey 3-0 ugu soo adkaatay naadiga tabarta yare ee Bariga Dhexe, kulan ciyaareed dhacay 28-09-18.

Banadir Sports Club waa koox dhibane u ah naadiga Dekedda, waxaan ka cabir qaadaneynaa in Dekadda ay badi adkaaneysay kulamadii ugu dambeeyay ay labada kooxood is wajahaan.

Dhanka kale garoonka Jaamacadaha ayaa ciyaar kale oo xiiso badan ka dhici doonta taa oo u dhaxeysa kooxaha Elman iyo Bariga Dhexe.

Labadan kooxod kulankooxdii ugu dambeyay waxey la soo kulmeyn guuldarooyin ee ka soo gaartay kooxaha Banadir Sports Club iyo Dekedda.

Bariga Dhexe waxaa afka ciida u soo dartay naadiga Banadir S,C halka ay Elman ay guul daro kala soo kulantay Dekedda.

Ogeysiis Ciyaaraha:

Tartanka: General Daa’uud

Kooxaha: Dekedda Vs Banadir Sports Club/ Elman Vs Bariga Dhexe

Garoomaa: Banadir Stadium iyo Jaamacaddaha

Saacada: 3:30

Jawiga Garoonka: 29° /25°C

W/D: Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close