“Beri markaan Dugsiga u wadayo Caruurteyda waxaan u sheegi doonaa in Lionel Messi.”.

(London) 04 Okt 2018. Lionel Messi ayaa sidoo doono ka yeeshay Tottenham kulankii xalay ka dhacay Wembley oo ay kaga adkaadeen 4-2.

Kabtanka Barca ayaa labo gool oo cajiib ah ka xareeyay Spurs halka labada kalena uu lug ku lahaa.

Rugcadaaga Manchester United Rio Ferndinand oo ku sugnaa garoonka si uu kulanka u faaqido ayaa laacibka reer Argentina u amaanay si aan horey loo maqal.

“Waa inaad la Cajabtaa xariifkan. Farxad ayaan dareemayaa maadaama aan garoonka joogay anigoo LIVE u daawanaya isaga,” Ferdinand oo u hadlayay BT Sport ayaa sidaa yiri.

“Caruurteyda ayaan beri uga sheekeyn doonaa markaan Dugsiga u kaxeynayo.

“Xariifkan, waxa uu garoonka sameynayo waa wax lagu qoslo.

“Waa sida inuu gacanta ku heysto Rumuut Kontorool, wuxuu qiimeynayaa xaalada wuxuuna oranayaa ‘Haa, bal aan qorsheeyo goobta intaa kaddibna waxaan kubbada dhigi doonaa meesha saxda ah ee aan la doonayo.

“Culeyska baaskiisa iyo go’aan qaadashadiisa wax loo dhigaa ma jiro, marka ay noqotana inuu kubbada dhammeystiro uu dhaliyo wuxuu u dagan yahay sida aad adigu jeceshahay.

“Messi wuxuu ahaa mid aan innaba caadi ahayn.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close