Kooxda uu doonayo inuu TABABARE u noqdo Zidane oo la Ogaaday…(Ma ahan Manchester United)

(Europe) 03 Okt 2018. Zinadine Zidane ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu cad cad ee lala xiriirinayo xilka macalinka mashaqada ku jira ee Jose Mourinho.

Laakiin rugcadaaga reer France kuma riyoonayo Man United oo wuxuu qalbiga ku hayaa sidii uu u noqon lahaa tababaraha kooxdiisii hore ee Juventus.

Mourinho ayaa shaqadiisa u cabsaday kaddib markii uu Taleefan ka soo wacay Zidane sida ay warisay SunSport.

Yeelkeede warsidaha Faransiiska ee Le Parisien ayaa iminka warinaya in Zidane uusan xitaa xusin suuro galnimada uu macalin ugu noqonayo kooxda ka arimisa Old Trafford.

Inuu badelo Mourinho bartanka xilli ciyaareedka isla markaana uu si xun ku dhammeysto waxay dhaawici kartaa sumcadiisa kaddib markii uu saddex Champions League oo isxigta la soo qaaday Real Madrid ka hor inta uusan si lama filaan ah xilka isaga casilin.

Wararka ayaa sheegaya in Dooqa koowaad ee Zidane uu yahay xilka Juventus halkaa uu ku sugnaa 5-sano isla markaana uu ku soo qaaday laba horyaalka iyo Italian Super Cup.

Image result for zidane Juventus

Haddii uu Real Madrid u soo ciyaaray misane uu Macalin u noqday iminkana wuxuu doonayaa inuu Juventus ku laabto isagoo Tababare ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close