Kooxda Real Madrid oo war aad u wanaagsan ka heleysa xaalada Isco

(Real Madrid) 03 Okt 2018. Laacibka khadka dhexe reer Spain ee Isco ayaa la filayaa in si dhaqsi ah uu dib ugu soo laabto safka kooxda Real Madrid.

Isco ayaa arbacadii lasoo dhaafay maray qaliin dhanka caloosha gaar ahaan min-dhicirka., laakiin Real Madrid oo saddexdii kulan ee lasoo dhaafay si weyn u soo dhibtootay ayay war fiican u noqoneysaa dib u soo laabashadiisa.

Kulankii ugu dambeeyay uu Isco ciyaaray kahor inta uusan qaliinka marin ayay Real Madrid ku guuldareesatay 3-0, waxaa intaas sii dheer in kulankii  Atletico Madrid ay kula ciyaareen garoonka Santiago Bernabéu oo isna ku soo idlaaday barbaro 0-0.

Isco ayaa bartiisa rasmiga ah ee  Instagram-ka soo dhigay maanta ee Arbaco ah qoraal laabta u qaboojiyay jamaahiirta kooxda Real Madrid.

“Maanta waxaan soo furay qodobo, sidaas darteed waxaan rajeenayaa inaan ku soo laaban doono sida ugu dhaqsida badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close