Kadib Mkhitaryan, Aaron Ramsey oo isna la xaqiijiyay inuu sabab isaga u gaar ah ku seegayo kulanka Europa League!

(London) 03 Okt 2018 Arsenal ayaa habeen dambe u martin doonta kooxda Qarabag ee dalka Azerbaijan kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Europa League.

Mkhitaryan ayaa ka codsaday Arsenal in lagu reebo London maadaama amnigiisa uu u baqayo haddii uu tago Azerbaijan oo ay isku dhacsanyihiin dalkiisa Armenia.

Balse tababare Unai Emery ayaa galabta xaqiijiyay in Aaron Ramsey uu isna iska sii joogayo magaalada London oo uusan kooxda u raaci doonin Azerbaijan.

Wuxuu intaa ku daray in xaaska Aaron Ramsey ay xaamilo tahay sababtaas darteedna uu uga harayo safarka Arsenal ee Azerbaijan.

“Mkhitaryan waa uu xanuunsanaa bilowgii isbuucaan, sidaas darteed ma imaanin, balse Ramsey wuxuu codsaday inuu sii joogo London maadaama xaaskiisa ay xaamilo tahay” ayuu yiri tababare Unai Emery.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close