Jürgen Klopp oo ka warbixiyay isbadalka uu ku sameeyay khadkiisa dhexe kulanka Napoli

(Liverpool) 03 Okt 2018. Kooxda Liverpool ayaa wajaheysa kulan aad u adag oo ay caawa ku booqan Napoli San Paolo Stadium, kaasoo ka tirsan kulamada wareega 2-aad ee group-yada tartanka Champions League.

Jürgen Klopp ayaa go’aansaday kulankan inuu isbadal ku smaeeyo shaxdiisa, kadib markii uu booska Henderson. Keensaday Naby Keïta.

Tababarihii hore kooxda Borussia Dortmund ayaa ka hadlay go’aanka uu isbadalka ugu smeeyay khadkiisa dhexe kulankan Napoli ee Champions League.

“Naby Keïta diyaar ayuu u ahaa kulankan waxaana siinay fursad”.

“Henderson Wuxuu ciyaaray kulamo badan, ma uusan heysan diyaar garoow fiican kahor xili ciyaareedkan, taasina waa waxa aan go’aansaday, waxaan doonayaa inaan ku raaxeysto awooda Naby Keïta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close