Halyeeyada kooxda Manchester United Rio Ferdinand iyo Paul Scholes oo si xoogan u weeraray Lukaku

(Manchester) 03 Okt 2018. Halyeeyada kooxda Manchester United Rio Ferdinand iyo Paul Scholes ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku, kadib bandhigiisa kulankii xalay Valencia ee tartanka Champions League.

Manchester United ayaa awood u yeelan weysay inay dhaafto kooxda Valencia oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford waxayna ku kala baxeen barbaro 0-0.

Rio Ferdinand ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay qaab ciyaareedka Romelu Lukaku.

“Marka ay kubada ka dhaqaaqdo khadka dhexe, waxaa muhiim ah in Lukaku uu isna u dhaqaaqo dhanka weerarka, si ay saaxiibadiis fursad ugu helaan, fursad ay kubada ku baasi karaan”.

“Laakiin wuxuu joogaa inta badan booskiisa, wuxuuna u dhaqaaqaa qaab la filan karo, taasoo u sahleysa inta badan difaacyada kooxda kale inay ka hor tagaan”.

Dhinaca kale Paul Scholes ayaa isna dhankiisa sheegay “Romelu Lukaku waa mid niyad jabsan, wuxuu u muuqdaa inuu u baahan yahay tababar si loogu sheego meesha uu u dhaqaaqayo”.

“Waxaa jiray fursado fiican uu Paul Pogba ciyaarta ka abuuray, laakiin Romelu Lukaku ma uusan sameynin wax dhaqaaq ah”

“Fursadahan waxay sameyn karaa isbadal, Paul Pogba wuxuu u baahan yahay dhaqaaqa Lukaku, si ay wax walba ugu fududaato isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close