Daniel Sturridge oo ku kalsoon go’aanka tababare Klopp ka hor kulanka Napoli

(Liverpool) 03 Okt 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa soo muujiyay inuu ku kalsoon yahay go’aanka tababarihiisa Jurgen Klopp.

Daniel Sturridge ayaa guul daro ka badbaadiyay Liverpool sabtigii kulan ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxdiisii hore ee Chelsea.

Ka hor kulanka caawa ee Napoli ayuu sheegay Daniel Sturridge inuu ku qanacsan yahay go’aanka tababarihiisa haddii uu ciyaarsiiyo 5-daqiiqo iyo haddii uu ku soo bilaabo ciyaarta intaba.

Image result for Klopp sturridge

“Go’aan walba oo uu qaato Klopp, isaga ayaa ah tababaraha isla markaana haaya masuuliyada, shax walba oo uu soo xusho isaga ayaa masuul ka ah” ayuu yiri Daniel Sturridge ka hor kulanka Napoli.

“Kaliya waa inaad soo bandhigtaa wax walba oo karaankaaga ah haddii lagu ciyaarsiiyo 5-daqiiqo ama haddii aad ku soo bilaabato ciyaarta”.

“Waa inaad wax walba ku soo bandhigtaa gudaha garoonka daqiiqad walba oo aad fursad u hesho inaad ciyaarto”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close